|

Kulan lagaga hadlayay doorka ay Saxaafadu ku leedahay khilaafaadka Amni oo Hargaysa ka furmay

 

Hargaysa 30 Dec.(SDN) Aqoon Iswadaarsi Ku saabsan saamaynta Saxaafadu  ay Ku leedahay Khilaafaadka iyo Amaan Darada, oo ay ka Qayb galeen xubno ka kala socday Warbaahinta Maxaliga ah, ayaa Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargeisa.

 

Kulankan oo ay Soo qaban qaabisay Hay’ada Maxaliga ee Xaqsoor,ayaa waxaa uu ka Furmay Jaamacada Hargeisa,waxana  Halkaasi Ka Soo qayb galay Xubno ka socday Warbaahinta Maxaliga ah kuwaas oo isugu Jiray Kuwa Madaxa Banaan iyo Kuwa Daliga ah.
Madaxa Hay’ada Maxaliga ah ee xaqsoor Ali Axmed Cabdi [Ali-Antar] oo Furintaankii Aqoon iswadaarsigaasi ka hadlay ayaa U mahad Naqay Xubnihii     Warbaahinta Ka socday isagu Kula dardaarmay Ka soo Qayb Galayaasha Aqoon iswaydaarisagan inay  Ku dabaqaan Hawlahooda Shaqo waxa ay halkan ka Faa’iidaystaan.

Ugu Dambeyntii Cali Anter Waxaa uu ka Soo qayb galayaashii Ugu Mahadnaqay sida Wanaagsan ee ay Xubnihii Ka socday Warbaahinta uga soo Diyaar garoobeen Aqoon isweydaarsigan oo Maalinta Bari Soo gabagaboobi doona.

Hargaysa SDN

Comments are closed