|

Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Qaabilay Qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland

 

Hargaysa 30 Dec (SDN)

Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa maanta qado sharaf u sameeyey salaadiinta Somaliland ee ku sugan caasimadda.

Kulanka madaxweynuhu kula qaatay salaadiinta qasriga madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale ku  ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md cabdiraxmaan cabdilaahi  Ismaaciil saylici.

Kulankan ayaa lagaga  wada hadlay sidii marxaladda haatan dalku marayo si wada jir ah looga  wada shaqayn lahaa, Madaxweynaha Somaliland-na waxa uu sheegay in waxii tabashooyin ah ee jira wax ka qabashadooda ay xukuumaddu diyaar u tahay.

Salaadiinta ayaa iyaguna madaxweynaha uga mahadnaqay qado sharafta uu ku maamuusay iyo sida uu diyaarka ugu yahay in si wada jir ah looga tashado danta qaranka.

Markii Kulanku dhamaaday ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Salaadiinta ay ka midka yihiin  Garaad C/rashiid Garaad Ismaaciil, Suldaan Naazir Suldaan Cabdi,Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C.raxmaan,  Suldaan Cismaan Suldaaan Cali Madar iyo   Suldaan Axmed Daahir Muuse,Waxaanay dhamaantood iska daba mareen inay madaxweynaha uga mahadcelinayaan kulanka qaabilaada ah ee uu u sameeyay, Waxa ay Sheegeen inay Waajib tahay sidii nabadgalyada qaranka looga wada shaqayn lahaa waxaa kale oo ay baaq u direen Guud ahaan Shacabka oo ay ka dalbadeen inay ka feejignaadaan falalka waxyeelaya nabadgalyada wadanka .

Kulankan Waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku wehelinayay Maddaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Hargaysa SDN

Comments are closed