Uncategorized

KULAN LAGAGA HADLAYEYFURSADAHA SHAQO, WAXBARASHO IYO KA QAYBGALKA SIYAASADDA DALKA EE DADKA LAHAYBSOOCO OO LAGU QABTAY DAGMADA GABILAY

Hargeysa Jan 06,2012(qurbejoog.com)-Ururka Codka Haweenka Beelaha la Haybsooco oo kulan ku qabtey Gabiley
Ururkaku hadla codka haweenka beelaha la hayb sooco ee loo yaqaan VOSOMWO ayaa aqoonis weydaarsi ku saabsanaa sidii beelaha la hayb soocaa uga qayb gali lahaayeenhogaaminta siyaasadeed ee dalka ku qabtay Hotel Haji Askar ee magaalada Gabilay.
Furitaankiiaqoon-isweydaarsigan oo uu ugu horeyn ka Hadley Badhasaab-ku-xigeenka gobolkaGabiley Cali Cabi Cabdilaahi (Cali Case) ayaa si weyn ugu mahad celiyay ururkanVOSOMWO ee soo qaban qaabiyey kulankan lagaga wada tashanayey sidii ay beelahala hayb-soocaa uga qayb gali lahaayeen hogaaminta siyaasadeed ee dalka.Waxaanuu sheegay inuu soo dhawaynayo wacyi-galinta la xidhiidha dhiirigalintabeelahani in ay ka qayb qaataan hogaaminta dalka.
Maayarkamagaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo iyaduna isla furitaankiiaqoon-isweydaarsigan ka hadashay ayaa sheegtay in isticmaalka ereyga Hayb-soocla qaldan yahay oo ay ka door bidi lahayd in loo isticmaalo dadka laga tiradebadan yahay, oo ay ku sheegtay in ay haweenkuba kala siman yihiin iyadoo arrimahaaska hadlaysana waxay tidhi: “ Qalad ayaan u arkaa in la isticmaalo ereygahayb-sooc, waxaanaan ka door bidi lahaa in lagu bedelo dadka laga tiradabadanyey. Ereygaa ayeynu ka simanahay labadeenuba oo haweenkaba waa lagaga tirobadan yahay hogaaminta siyaasadda dalka.
Markaaisku qaddiyad ayeynu nahay, hadaad beeshaa tihiin” ayey tidhi Marwo khadra,MarwoKhadra Xaaji Gaydh waxa kale oo ay ka hadashey in aanay jirin cid si gaar ahloo takooro ee ay ka maamul Dawlad/hoose ahaan ay iskugu mid yihiin ummadu.Sidoo kalena waxay hoosta ka xariiqday in mar kasta oo ay cid shaqaalaysiinaysoay ka go’an tahay in ay qaybtooda siiso, iyadoo xustay in ay dhawaanshaqaalaysiisay haweenay ka soo jeedda beeshan Gabooye imikana aay diyaar ulayihiin in aay wax kala qabataan dhinancyada waxbarashada iyo shaqo-abuurista siay uga dhex muuqdaan bulshada.
Guddoomiyahaururkan VOSOMWO Nimco Iid Salaan oo iyaduna halkaas ka hadashey a yaasharraxaad ka bixisey ujeedada aqoon is weydaarsigan, iyada oo xustey inuu laxidhiidho sidii loogu dhiirigalin lahaa beelaha la hayb-soocaa inay ka qaybqaataan hogaaminta siyaasadeed ee dalka iyo sidii loogu dhiiri galin lahaa inwaxbarashadooda kor loogu sii qaadi lahaa si ay ula jaan qaadaan dadweynahaintooda kale.
Marwo Nimco Iid  waxaa kaleoo ay sheegtay in aqooon is weydaarsigani qayb ka yahay barnaamij ururkoodu ugutalla galay in uu ku wacyi geliyo beelaha laga tirade badan yahay sidii aydoorashooyinka soo socda u heli lahaayeeen saamigooda ,sidaasi si la mid ahnauu ururkoodu ku hawlan yahay isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoono sidii a beelaha la hayb-sooco u heli lahaayeeen saamigooda xaga kaqaybgalka siyaasadda.
 
 
waxaanaysheegtay in waxyaabo badani u qabsoomeen dadka lahayb sooco mudooyinkii udanbeeyey waxyalahaas oo ay ka mid yihiin xag waxbarshada iyo shaqada taasna ayamaanteeda iska leeyhiin bulshada Somaliland kuwaas oo u soo jeedsaday inay waxka qabtaan dhibaatooyinka haysta dadka lahayb sooco waxaanay sheegtay in aySomaliland kaga wanaagsantahay wadamada kale ee geeska afrika ilaallintaxuquuqda dadka lahayb sooco sidaa darteedna waxaa loo baahanyahay in dawlad iyoshacaba la iska kaashado sidii loo ilaallin lahaa loona hor marinlahaa xuquuqdabeelaha lahayb sooco wixii dhibaatooyin ah ee jirana si wadajir wax looga wadaqabto waxaanay u soo jeedisay beelaha lahayb sooco inay bulshada ay la noolyihiin dhexgalaan oo caruurtoodana ay wax baraan.
 
Gudoomiyihurur waxaa kale oo ay u soo jeedisay guud ahaan dadka la hayb-soocaa in ayfadhiga ka kacaan oo ay raadsadaan xaqooda kaga  maqan beelaha kale ee ay walaalaha yihhin, Nimco waxaa kale oo ay u mahadnaqday  dadkii ka soo qaybgalay aqoon is weydaarsi
 
OdayXasan Muxumed Muumin oo ka mid ah odayaasha beelaha Gabooye ee magaaladaGabiley ayaa isaguna halkaa ka hadlay ayaa si weyn ugu kaftamay in magacaoodaoo inta kale ee qabiilooyinka Soomaaliyeed ay iskuba caayi jireen Allaha weyniuga dhigay Xariir la huwado isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “magacii midgaan ee anaga lanagu naanaysi jirey ee soomaali oo dhanna iskubacaayi jireen, ayaa Allaha weyni nooga dhigay Xariir oo Soomaali Maxamed oodhammi naanaystayadii ku bariis raadsadaan oo dibadaha ku dhoofaan,” ayuu yidhioday Xasan Muxumed Muumin.
XasanMuxumed Muumin ,waxaa uu u mahadnaqay u soojeediyey ururka VOSOMWO oo uu ku tilmaamay in uu yahay urur wax badan u qabtayhorumarka beelaha la hayb-sooco
Isku-duwahawasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Gabiley Sheikh Cabdiraxmaan Aw XasanMuuse oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday Shareecada islaamku waxaay ka qabto in qof bini aadam ah la yaso oo la xaqiro oo uu ku tilmaamay in aydambi culus tahay. Waxaanuu sheegay in lagu kala sharaf badan yahay oo kali ahAlle ka cabsiga oo kaliya. Waxa kale oo uu isku-duwuhu ku waaniyey beeshana inaanay iyagu is-yasin ee horta ay iyagu gudahooda is aqoonsadaan.
UrurkaVOSOMWO oo ah urur ay ku bahoobeen haween ka soo jeeda beelaha la hayb-soocoayaa inta badan qabta tababaro aqoontoodo sare loogu qaadayo , dadka lahayb-sooco si ay xaqooda iyo waxa ay waajibaad u leeyihiin u soo dhacsadaan,kulanka waxaa uu ku soo gabagaboobay waji farxad leh.
 
AsmaMaxamed – Ururka VOSOMWO
 
HEADOFFICE: HARGEISA-SOMALILAND
VOSOMWO-Emails 
Vosomwo@hotmail.com     
Vosomwo_ptm@yahoo.com        
Vosomwofinance@gmail.com     
Vosomwopc@yahoo.com