|

kulan lagaga hadlayo Xeerka Daryeelka Xoolaha oo lagu qabtay hargaysa

 

Hargaysa 31.Dec (SDN)

Agaasimaha guud ee wasaarda xanaanada xoolaha ayaa maanta soo gabagabeeyey kulan hawleed socday muddo sadedex maalmood ah, kaasi oo lagu naaqishaayey sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa daryeelka xeerka xoolaha .

Shirkaasi oo lagu qabtay  Hotel Maansoor , oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan mudanayaasha  golaha wakiilada , rugta ganacsiga , dhakhaatiirta xanaanada xoolaha iyo saraakiil ka socotay hayadda Havoyoco .

 

Xidhitaankii kulan hawleedkaasi uu hadal ka jeediyey agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Maxamuud Maxamed Cagaweyne uu kaga xogwaramay waxtarka iyo faaiidada ay xoolahu u leeyihiin bulshadeena ,isla markaana ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha dalkeena, sidaasi darteedna ay muhiim tahay xeerkii lagu daryeeli lahaa xoolaha , iyadoo laga war qabo xoolahu in  ay yihiin il muhiim ah oo dad badani ka manaafacaadsadaan .

Kulankan hawleedkan  oo ay iska kaashadeen wasaarada xanaanada xoolahabn iyo hay,adda HAVOYOCO , waxaa sidoo kale  halkaasi ka hadlay agaasimaha hayadda wadaniga ah ee Hovoyoco Cumar Sheekh Cabdilaahi , waxaanu farta ku fiiqay in arin muhiim ah ay tahay in laga hawl galo sharcigii xeerka daryeelka xoolaha ,maadama ay yihiin wax soosaarkeena ugu weyn ee aynu dibada u dirno.    Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Cabdi kariim Maxamuud  Diiriye oo ah madaxa reer guuraaga iyo beeraha  ee  Havoyoco,oo isna sharaxaad ka bixiyey faaiidada ay uu xeerka daryeelka xoolahu uu u leeyahay  dadkeena.

Hargaysa SDN

Comments are closed