Hargaysa 31.Dec (SDN)
Agaasimaha guud ee wasaarda xanaanada xoolaha ayaa maanta soo gabagabeeyey kulan hawleed socday muddo sadedex maalmood ah, kaasi oo lagu naaqishaayey sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa daryeelka xeerka xoolaha .
Shirkaasi oo lagu qabtay Hotel Maansoor , oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada , rugta ganacsiga , dhakhaatiirta xanaanada xoolaha iyo saraakiil ka socotay hayadda Havoyoco .
Xidhitaankii kulan hawleedkaasi uu hadal ka jeediyey agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Maxamuud Maxamed Cagaweyne uu kaga xogwaramay waxtarka iyo faaiidada ay xoolahu u leeyihiin bulshadeena ,isla markaana ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha dalkeena, sidaasi darteedna ay muhiim tahay xeerkii lagu daryeeli lahaa xoolaha , iyadoo laga war qabo xoolahu in ay yihiin il muhiim ah oo dad badani ka manaafacaadsadaan .
Kulankan hawleedkan oo ay iska kaashadeen wasaarada xanaanada xoolahabn iyo hay,adda HAVOYOCO , waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay agaasimaha hayadda wadaniga ah ee Hovoyoco Cumar Sheekh Cabdilaahi , waxaanu farta ku fiiqay in arin muhiim ah ay tahay in laga hawl galo sharcigii xeerka daryeelka xoolaha ,maadama ay yihiin wax soosaarkeena ugu weyn ee aynu dibada u dirno. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Cabdi kariim Maxamuud Diiriye oo ah madaxa reer guuraaga iyo beeraha ee Havoyoco,oo isna sharaxaad ka bixiyey faaiidada ay uu xeerka daryeelka xoolahu uu u leeyahay dadkeena.
Hargaysa SDN
