|

“Kulmiye : Goolkaasi Muu Dhalan,Guushaasi May Dhicin” Mujaahid Cali Guray

London 30.April 2014 (SDN)- Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray ayaa Si Xoogan u Naqdiyay Hanaankii uu u qabsoomay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye ,Isagoo Sheegay in Natiijada ka Soo baxday Shirkaasi ay ahayd Go’aan reeraysan oo Hore loo gaadhay .

Gudoomiye ku xigeenku waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal aanu ka soo Xiganay Barta Xidhiidhka Dadweynaha ee uu Face Book ku leeyahay Qoraalkas oo dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan ”Ama Shirwayne dheh ama shirbeeleed dheh oo shirkii KULMIYE wuu dhamaaday, xisbi ahaan na KULMIYE wax uu ka dhimay mooyee wax uu u soo kordhiyay ma jirto. Sida uu ku dhamaaday na waa go’aan hore ay u gaadhay guddi reer oo uu hogaaminayay Saleebaan Gaal oo nuxurkiisu ahaa in aan waxba la taataaban cid kasta oo xil haysay na loo daayo xilkii ay haysay. Lakiin waxa taa ku lamaan in Musharaxnimadii Silanyo ee doorashadu na ay geed ka go’an tahay 2015ka taas oo sharci ahaan na sax ah. Weliba waxa laga yaabaa in la isku dayo in muddo kordhin loogu daro taas oo iyadu aan sharci ahayn ee sharci darro ah.

Si kasta ba u dhig wax guul la odhan karo oo shirkaa uga soo baxay KULMIYE haba yaraato eh ma jirto waayo goolkaasi muu dhalan hadii aanay iyagu isku dhalin oo aan xaalku kala dhaqaaq noqon. KULMIYE dhexdiisa ayuu is dulmay cid kale na hadh u jiidi maayo.

Marka aad eegto saamaynta shirka KULMIYE uu ku yeelan karo xisbiyada kale UCID ahaan waxa aanu qabnaa inu u dhacay sidii ugu fiicnayd ee aanu jeclaan lahayn in uu dhaco. UCID ahaan hadii uu KULMIYE si run ah oo cadaalad ah u tashan lahaa anaga jartu way nagu adkaan lahayd lakiin sida ay yeeleen marka aan shakhsi ahaan eego runtii waxay naga mudan yihiin in aanu hambalyayno uu mahaa ee waxa bay u qalmaan in aanu nidhaa waa mahadsantihiin. Marka aad eegto masraxa siyaasadda ee Somaliland wax badan oo markii hore mugdi ku jiray ayuu sida dharaarta u cadeeyay shirkan KULMIYE ee aan KULMIYE wax ba ku soo kordhin natiijadiisi na ay noqotay sidii gooyeen IN GAAR AH, OO MEEL GAAR, GOOR AH, WAX GAAR AH, SI GAAR AH ISUGU SOO TIDHI oo ah kuwii iyagu reernimada ku soo shiray ee go’aankii ay qaateen u geeyay madaxwaynaha ee isagu na shakhsi ahaan sidii uu ahaa u dhaqan geliyay. Taladaa gaarka ahayd may ahayn talo xisbi ee waxay ahayd talo reer ama shakhsiyaad iyagu isku wada reer ah oo aan cid taraxaysay jirin. Marka aad taqaan talada KULMIYE na taasi waxay ahayd caado mar walba jirtay hada na jiri doonta. Sida daraadeed xisbiga KULMIYE wuxu ahaa,hada na yahay,ahaan doonaa na xisbi aan taladiisa la wada lahayn ee la kala leeyahay. Sida loo kala leeyahay iyo cidda iska leh na WAA LAGUU YAQAAN.

 

London SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed