|

Muuse Biixi oo sii hurinaya dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca

Hargeysa August 13,2023(QJ)-Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka kala hadlay dhacdadii 9 ka mid ah ciidamada booliska lagaga dilay dagaal dhawaan ka dhacay duleedka deegaanka Go’da yar ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu sheegay in Qaranku uu ka xun yahay dhibaatadii dhacday, waxa uuna carabka ku dhuftay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo si sharci daro ah u beegsata ciidamada amaanka.

Iska horimaadkan oo u dhexeeyay maleeshiyo beeleedka Gacan-Libaax iyo ciidamada dawladda ayaa sii kordhay toddobaadkan, waxaana ka dhashay khasaare laxaad leh.

Maleeshiyadan ayaa ka horyimi hoggaanka Madaxweyne Biixi, maadaama muddo xileedkiisii uu ku ekaa bishii November ee ina dhaaftay, isla markaana uudiiday in la qabto doorashada Madaxtooyada.

Muuse oo ka hadlay aaska ciidamada Booliska ee la dilay ka dib, waxa uu qiray in Somaliland ay soo wajahday caqabado badan iyo khataro waaweyn. Waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay, waxa uuna carabka ku dhuftay in marka laga soo tago dhibaatoyinka jira ay Somaliland weli tahay mid adag.

Madaxweynuhu ma soo jeedin xal laga gaadho colaadaasi, balse waxa uu sii hurinayaa colaad hor leh oo dhexmarta dagaalyahannada Garxajis ee haddaku sugan gobollo badan oo Somaliland ah.

Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa sidoo kale iska indho tiray dadaallo ay wadeen madax dhaqameedka dhex dhexaadinaya xukuumadiisa iyo jabhadaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo intii uu xilka la wareegay waxa uu udub dhexaad u ahaa khilaafaadyo gudaha ah iyo qalalaase siyaasadeed oo gilgilay xasiloonida dalka.

Comments are closed