Uncategorized

KULMIYE oo Murrashax Cismaan Hirad u Caleemo Saaray Inuu uga Qayb galo Tartanka Doorashada Hargeysa.

Hargeysa Sept 07,2012(SDN)-Munaasibad ballaadhan oo lagu soo bandhigay  Murrashax Cismaan Cabdillaahi Hirad oo Caasimadda Hargeysa uga sharraxan Xisbiga KULMIYE ayaa shalay lagu qabtay Hotel-ka Ambassador ee Magaalada Hargeysa. Munaasibada lagu soo sharraxay Cismaan Cabdillaahi Hirad waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socda Golaha wasiirrada, hogaanka Xisbiga KULMIYE, Madax dhaqameed, Haween iyo Taageerayaal aad u badan oo dhamaantood soo dhaweeyay Murrashax Hirad iyaga oo u ballan qaaday inay si buuxda u garab is taagi doonaan maalinta codbixinta.

Xoghayaha guud ee Xisbiga talada Haya ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xisbi ahaan si rasmi ah u shaacinayaan Murrashaxnimadda Cismaan Cabdilaahi Hirad inuu KULMIYe uga sharraxan yahay deegaanka Hargeysa. Xasan siciid Yuusuf waxa uus heegay in Siyaasadda xisbiga KULMIYE uga dejisan arrinta murrashaxiintu ay saamayn ku yeelatay xulashadii Murrashaxa Musharax Cismaana uu nasiib u yeeshay inuu kamid noqdo Xubnaha uga qayb gali doona doorashada deegaanka.

Xogahayaha guud ee KULMIYE waxa uu taageerayaasha Murrashaxan ugu baaqay inaanay u sacab tumin oo kaliya balse ay is garab taagaan codkoodana ugu ridaan maalinta doorashada.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil (Jaamac-Shabeel) oo gacmo furan ku soo dhaweeyay Murrashax Cismaan Cabdillaahi Hirad isaga oo ku tilmaamay nin mas uul ah oo ka soo bixi kara waajibaadka ku sugaya golaha deegaanka haddii uu ku soo baxo, waxanu u rajeeyay inuu noqdo kii ku guulaysta xilka doorashada.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed DAahir (Cukuse) ayaa isaguna madasha ka hadlay waxanu ka warramay Muhiimadda ay umad ahaan iyo qaran ahaanba doorashooyinku u leeyihiin  dalka, gaar ahaana doorashada deegaanka oo uu sheegay in doorkan ay ka duwan tahay kuwii hore oo dhan.

 

Gebo gabadii waxa Munaasibada ka hadlay Murrashax Cismaan Cabdillaahi Hirad, oo ah murrashaxa xaflada loo qabtay waxaanu ka warramay waxyaabaha u qorshaysan inuu wax ka qabto haddii uu ku soo baxo doorashada, isagoo taageerayaashiisa iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE-ba uga mahadnaqay sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen.

Xigasho

Warqabadka Togaherer

Hargeysa, Somaliland

Togaherer@gmail.com