Uncategorized

Laba Qarax oo Gaystay Khasaare Badan oo Ka Dhacay Magaalada Baydhaba

Baydhaba 05.Dec 2014 (SDN/QJ)- Labo weerar is qarxin ah ayaa galabta  dhacay badhtamaha magaalada Baydhabo, iyadoo mid ka mid ah weerarka uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay,siday faafisay shabakada Jowhar oo aanu warkan ka soo xiganay.

Weerarka koowaad ayaa ahaa qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo National oo ku dhow agagaarka shirkada Dahabshiil, halkaasoo dad badan oo wariyeyaal ay ku jireen ay fadhiyeen, halka weerarka labaad uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday nin naftii hure ah.

Ilaa toban ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhimatay weerarkan, oo ay ku jiraan wariyeyaal, iyadoo laga yaabo in qasaaraha uu intaa ka bato, maadaama halka weerarada ka dhaceen ay ahaayeen goob ay dadka aad ugu badan yihiin oo ah faras magaalaha.

Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhaawacmay ilaa labaatan kale oo qaarkood dhaawacyadooda ay aad u liitaan, iyadoo la dhigay dadka dhaawacmay Isbitaalka magaalada Baydhabo.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa caawa kacsan, iyadoo wadooyinka ay soo buuxiyeen ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Baydhabo, tan iyo markii bishii hore loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo maalin ka hor la caleema saaray.

Baydhaba SDN/QJ