|

Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukumadda Muuse Biixi Cabdi Oo Isku Tuur-Tuuray Waajibaadka Xilka Ay Qaranka U Hayaan Iyo Eedaymo Ay Isku Duur Xuleen DAAWO

Hargaysa 11. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Shaqo galinta Hinda Jaamac Xirsi ayaa isku tuur tuuray Cid leh ogaansha Da,yarta Xoogan somaliland ee Ciidan ahaan loogu qaaday Waddanka Qadar.

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha qoyska Somaliland Hinda Jaamac Gaani waxay sheegtay dhallinyarada muddooyinkii u danbeeyey loo qaadaayey dalka Qadar in Wasaarad ahaan aanay Wax xidhiidh ah la lahayn Isla Markaana Cida xaqa u leh inay ka hadasho ay Tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire mar shalay warbaahintu arrintani wax ka weydiisay waxa uu sheegay in Qadiyadaasi aanu ka hadli karin maadaama aanay Wasaaradiisa Khusayn Isagoo ka hadalka amuurtan isaga riixay dhanka Wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha qoyska Somaliland.

Comments are closed