|

Madaxweynihii Koonfur Afrika oo Is-casilay iyo Tallaabooyinka Xiga – Warbixinihii u dambeeyey

Koonfur Afrika 15. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynihii dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa is-casilay xalay, ka dib markii cadaadis xooggan ay saareen Xubnaha Sare ee Xisbigiisa ANC oo ku qasbay inuu xilka ka dego markii musuqmaasuq iyo in awooddu gacantiisa ka baxday lagu eedeeyey.

iscasilay. Mr Zuma ayaa cadaadis ballaaran kala kulmay xisbigiisa ANC oo ka dalbaday inuu iscasilo ama baarlamaanka loogu qaado codka kalsoonida.Cyril Ramaphosa ayaa lagu wadaaa inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Afrika ka dib markii uu Jacob Zuma

Waxa uu iscasilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad uu habeenkii Arbacada qaranka uga jeediyay taleefishinka. Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo.

Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo. War qoral ah oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu madaxweyne cusub dooran doono manta.

Iscasilaada Zuma Kadib, maxaa u xiga Koonfur Afrika?

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq. Iscasilaaddiisa ayaa waxa uu Zuma ku soo beegay dhammaadka khudbad dheer oo uu ku sheegay inuu aad uga soo horjeedo qaabka xisbiga ANC isaga ula dhaqmay.

April 1942: Wuxuu ku dhashay gobolka KwaZulu-Natal, Waxaana soo korisay hooyadii, mana uusan helin waxbarasho rasmi ah. 1959: Wuxuu ku biiray ANC. Wuxuu ka mid noqday garabka milatariga ee ANC 1962

August 1963: Isagoo 21 sano jir ah ayaa la dhigay xabsiga markii lgu helay dambi ah inuu maleegayay afgmebiga dowladdii midab takoorka waxaana lagu xiray xabsiga caanka ah ee Robben Island halkaas oo uu Nelson Mandela kula xirnaa muddo 10 sano ah.

March 1990: Ka dib markii uu muddo dibadd ku maqnaa ayuu dib u soo laabtay, waxaana markaasi mamnuucidda laga qaaday xisbiga ANC. Waxaana loo doortay guddoomiye muddo 4 sano ah.

June 1999: Shan sano ka dib markii uu dhammaaday xukunkii midabtakoorka wuxuu noqoday madaxweyne ku xigeen . Xilkaas ayaa laga qaaday 2005.

April 2009: Laba isbuuc uun ka dib markii eedeymihii musuqa ee loo haystay daaqadda laga tuuray, Zuma wuxuu noqday madaxweynaha Koonfur Afrika.

October 2017: Maxkamadda racfaanka ee ugu sarreysay dalkaasi ayaa amartay in Zuma lagu soo oogo 18 dacwadood oo la xiriira musqmaasuq Feer ka dhacay baarlamaanka Koonfur Afrika

Ramaphosa oo ballan qaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa Koonfur Afrika.

Xigasho BBCSoomaali.com.

Comments are closed