|

Laba Weerar oo Kala Duwan oo Alshabaab Caawa Ku Qaaday Maqaaxi Ku Taal Xeebta Liido,Iyo Degmda Baardheere Iyo Khasaaraha ka dhashay

Muqdisho 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Caawa qarax Isiidaamin iyo Weerar Toos ah lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach ee kutaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana wali gudaha Maqaayada laga maqlayaa rasaas xoogan oo la is dhaafsanayo.

 

Rag hubeesan oo lagu qiyaasay shan ilaa Sadex nin ayaa qaraxa kadib gudaha u galay Dhismaha Maqaayada Banaadir Beach, waxaana halkaasi ka socda dagaal u dhaxeeya raga hubeesan iyo ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka oo gaaray maqaayadaasi.

Rasaas iyo Qaraxyo bambaano ayaa laga maqlayaa dhismaha Banaadir Beach, waxaana wali adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan wali socda, waxaana wali dhismaha Maqaayada lagu heestaa dad halkaasi ku jiray.

In ka badan 5-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Weerarkan caawa lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach, waxaana banaanka Maqaayada goobjoogayaal ku warameen in ay yaalaan meydadka labo gabdhood iyo dad kale oo halkaasi ku dhintay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Nabad Sugida Qaranka ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay howlgal ay dad kusoo bad baadinayaan kuna soo afjarayaan weerarka ka wadaan gudaha Maqaayada Banaadir Beach, waxa ayna sheegeen in ay hareeyeen raga hubeesan dhismaha ku jira.

Maqaayadan Caawa la weeraray ayaa aheed mid caan ka ah Magaalada Muqdisho ayna inta badan ku caween jireen dhalinyaro ka timaada xaafadaha kala duwan ee Muqdisho, Maqaayadan ayaana ah mid mashquul badan caawa oo kale oo jimcaha.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa Maqaayada la weeraray kasoo qaadaya dad ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay weerarka halkaasi lagu qaaday, waxaana gabi ahaan ciidamada amaanka xireen wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa Xeebta Liido.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarkan caawa lagu qaaday Maqaayada kutaala Xeebta Liido, waxa ayna Shabaab sheegeen in dagalayahano iyaga katirsan ay gudaha maqaayadaasi ka wadaan toogasho.

 

Geesta Kale Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa qarax bambaano lagu weeraray masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Qaraxan Bambaano ayaa la sheegay in caawa salaadii cishaha lagu weeraray masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Maamulka Degmada Baardheere, kuwa aoo xiligaa ku sugnaa qeybo kamid ah Degmadaasi.

 

Sida aan Wararka ku heleyno Qaraxan Bambaano waxaa ku dhaawacmay Gudoomiyaha degmada Baardheere, Taliyaha amaanka Degmadaasi, Taliye kuxigeenka Nabad Sugida Baardheere, Saraakiil iyo askar kale oo katirsan Ciidanka Dowlada.

 

Ciidamada amaanka ayaa durba qaraxa kadib howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen Degmada Baardheere gaar ahaan halka qaraxa uu ka dhacay , walina lama oga in ciidamada qabteen ragii weerarkaasi bambaano ka dambeeyay.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Comments are closed