|

‘’Labada Xaafadood Ayaan Hag-Bad Kula Jirney Gacantayadii Qaata Markan Is Nidhi Waa Lala Fadhiistey ,”Muj-Ooto Biixi DAAWO

Hargaysa 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid Ooto Biixi oo ka hadlaayay munaasibad xisbiga Waddani ku soo dhawaynaayay Haween kaga soo biirey degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay Xulufo uu sheegay in ay kula jireen Laba reer oo ay wada lahaayeen xisbi balse laga dhacay markii ay soo gaadhay xiligoodii in ay qaataan,

 

Waxaana uu sheegay in ay ka feejiganaanayaan reer Hawd in ay arintani mar danbe ku dhacdo hadalka mujaahid Ooto Biixi ayaa ahaa mid duurxul ah uu oo hawada u marinaayay masuuliyiinta xisbiga Waddani.

 

Comments are closed