|

Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Ucid oo Hawraarsan Ku qaabilay Natiijadda Rasmiga ah ee Doorashadii Madaxtooyadda ee ay Maanta Xalaalaysay Maxkamadda Sare DAAWO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland ayaa Maanta meel marisay Natiijadii Ku Meelgaadhka ahayd ee Doorashadda Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 13-kii Bishan November Iyadoo Gudoonka Maxkamadda Distooriga ahi ay Sheegeen in Maadaama aanay Jirin Wax Dacwad ah oo ku ladhnaa Natiijadii Hordhaca ahayd ee Komiishanka Doorashooyinku dhawaan shaaciyeen ay go’aamisay in Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Yahay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland halka ku xigeenkiisuna yahay Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici.

Labada Xisbi ee Kulmiye oo isagu ah Xisbiga Guushu ku raacday doorashadda iyo Xisbiga Ucid oo noqday Xisbiga ugu Codka yar ayaa dareen isku mid ah ku qaabilay Natiijada rasmiga ah ee maanta ka soo baxday Maxkamadda Distooriga ah.

Comments are closed