|

Lacagta ay bixinayaan Musharaxiinta Madaxweyne iyo Gudoonka Baarlamaanka oo la ansixiyay

Muqdisho 31. December 2016 (SDN/QJ):-Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday arimo badan oo quseeya doorashooyinka gaar ahaan lacagaha laga qaadayo Musharaxiinta xilka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha.

Baarlamaanka ayaa kulankooda maanta waxa ay ku ansixiyeen in Musharaxiinta u taagan xilka Madaxaweynaha Soomaaliya laga qaado lacag dhan 30-kun oo Dollar halka Musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka laga qaadayo 15-kun oo Dollar.

Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa horey usoo saaray in Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya u tartameysa laga qaado 30-Kun oo dollar halka Gudoonkana laga qaadayo 15-kun, Baarlamaanka cusub ayaana manata arintaasi meel mariyay.

Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan magaalada Muqdisho ku doortaan gudoonka labada Aqal ee Baarlamanaka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Comments are closed