|

Taliye Ciidan oo lagu Dilay Nawaaxiga Xarrunta Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Somalia

Muqdisho 31. December 2016 (SDN/QJ):-Taliye ku xigeenka Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhow waxaa lagu Dilay nawaaxiga Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo magaciisa lagu soo koobay Qoorgaab ayaa Dilkiisa waxaa fuliyay sida la sheegay Askari ka tirsan Ilaada Madaxtooyada.

Toogashadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Askari kale, sida Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ay sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Askariga Dilkaasi geystay.

Weli lama shaacin sababta keentay in Askarigan uu toogasho ku Dilo ku xigeenka Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya

Comments are closed