|

Lammaanihii dhawaan Djibouti Isku Qarxiyey Oo Magacyadooda La Shaaciyey

Djibouti:June,01,2014(SDN/QJ)-Ninka ugu sarreeya Xeer ilaalinta Dalka Djibouti Marki Cabdiqaadir ayaa Soo Bandhigay Magacyada Labadii Qof ee Dhawaan isku Qarxiyey Magaalada Djibouti.

gabadh qaWaxa uu Xeer Ilaaliyuhu in Labada ruux ee Qaraxaas Geystay Midka Ninka ah la Odhan jirey  Muuse Rooble Hiraab, Halka Gabadhana La odhan jirey Hodan Maxamed Ciise, waxana ay ahaayeen Laba qof oo soomaali ah.

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jabuuti, waxa kaloo uu tilmaamay inay socdaan baadhitaano dheeraad, isla markaana maalinta Khamiista ee soo socota la soo taagi doono Maxkamad qaar ka mid ah dadkii ay la noolaayeen.

 

Falkii Is-qarxinta ee bishan 22-dii dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday labada Is-qarxiyey iyo nin u dhashay dalka Turkiga, waxaana ku dhaawacantay Tobaneeyo kale oo ay ku jiraan dad u dhashay dalalka Reer Galbeedka.

 

Wararka qaar ayaa sheegay in Haweenaydu ka soo jeedday dalka Somaliland, halka uu ninku ka soo jeeday Magaalada Dirirdhaba ee ismaamulka Somalida Ethiopia.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed