Uncategorized

“ Lawyacado waxa aan ku arkay waa wax la yaab leh, waa wax astaantii xukuumad dadkeedii cumaha haysa oo kale” Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani

Boorame 19.Jan 2014 (SDN)-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Md. Axmed Muumin Seed oo ka soo laabtay safar todobaado qaatay oo uu ku tagay dalka Djibouti ayaa ka war bixiyay safarkiisa waxana uu ugu horayntii ku tilmaamay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele nin nabadeed astaantiisuna tahay Mandela-hii geeska Africa.

Axmed-Muumin-SeedAxmed Muumin Seed oo ka hadlayay xaaladda dalka Jabuuti waxa  uu yidhi “Djibouti waa dal waan walaalo nahay oo jaarnimo wanaagsani inaga dhaxayso, waxa wanaagaas oo dhan sal u ah M/Geel oo ah nin nabadeed, oo ka damqaday dhibaatada haysata walaalaheena Somaliya, isla markaana u diray ciidan si ay nabad dalkaasi ugu soo dabaalaan, sidaas aawadeed M/Geele waxa uu mutaystay isla markaana yahay halyay hogaamintiisu la mid tahay Mandela-hii Geeska Africa.”

 

Sidoo kale Waxa Gudoomiye ku xigeenka ka dayriyay xaalad uu sheegay inuu ku soo arkay xuduuda dalka Somaliland laga soo galo ee magaalada Lawyacado waxna uu yidhi “ Lawyacado waxa aan ku arkay waa wax la yaab leh, waa wax astaantii xukuumad dadkeedii cumaha haysa oo kale leh, dhamaan dadka shacabka ah ee da’walba leh ee ka gudbaya xuduuda waxa lagu soo rogay cashuur madax taabasho ah, oo aan juwan galin, meel ay ku dhacdona la garanayn, iyo dhaqan fool xun oo ay leeyihiin dadka madaxda ah ee Kastankaasi maamula, waxana la yaab leh in dumar iyo caruur aanan look la eegayn oo hadii ay bixin waayaan cashuurta culus ee lagu soo ragay ee dalka Lawyacado oo kaliya ka jirta la yidhi bacadka iyo cadceeda hoosteeda fadhiya, waana arin aad u fool xun oo aan dhaliilayno”

 

Gudoomiye ku xigeen Seed, waxa kale oo uu ka dayriyay xaalada dalka ee maanta, waxana uu ku tilmaamay mid xuquudii aadamuhu ay ku dhimatay, xukuumadii talada loo dhiibtayna ay la soo baxday dhaqamo la mid ah kuwii burburiyay Somaliya, waxana uu yidhi “ Dad iyo dal nabad ah ayaa loo dheebay xukuumada Kulmiye maalintii xilka loo tiriyay, maanta labadiiba lama hayo, waxana intaasi dheex xuquuqdii aadamaha oo lagu tuntahy, maalmahan dambana waxa soo baxay ciidamo la yidaa RRU oo guryaha madaxda u dhacaya argagaxna ku abuuray shacabkii, waana dhaqan fool xun oo la mid ah dhaqamadii dumiyay xukuumadihii Somaliya ee dulmiga ku dhisnaa”

 

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Wadani Md. Axmed Muumin Seed, waxa uu sidoo kale ka dayriyay xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal waxana uu yidhi “Dadka aans oo arkay eek u hoos nool geedka xudhuunka ahi waa dad aanan haysan, biyo, caafimaad, jidad iyo adeegyo kale, waa dad walaalo ah oo u baahan in loo gurmado noloshoodana la kabo, si arintaasi loo hirgaliyo waxa aan soo dhawaynayaa dhismaha dekeda kaluumaysiga ee Lughaya oo ah isha kaliya ee dib u kobcin karta dhaqaalaha dadkaasi, umana baahna dadku in maanta fadqalalo hor leh la kala dhex dhigo”

 

Ugu dambaynti iwaxa uu Gudoomiye ku xigeenku la hadlay xukuumada waxana uu yidhi “ Xukuumadu waxa ay noqotay mid isku koobtay inta u dhaxaysa Burco ilaa Boorama, dhamaan cidhifyada dalka dadkii u dhaqnaana way cabanayaan, si amniga iyo dawladnimada loo sugana waxa loo baahan yahay in dadka la dhagaysto oo cabashadooda laga dareen celiyo, waxananan kula talinayaa xukuumada Kulmiye in dadkeeda ay dhagaysato oo meesha ka saarto cagajuglaynta, isla markaana ku talaabsato sidii ay dadka dawladnimada u jeclaysiin lahayd.

Boorama SDN,

Qurbejoog.com