|

“Ma Jiro Warkaasi, Kulankaana Ajandihiisu Wuxuu Ahaa  Diiwaangelinta Gob. Sool, Madaxweynuhuna Ma Joogin” Gudoomiye C.raxmaan Cirro

Hargaysa 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) ayaa beeniyay war ku soo baxay wargeyska Himilo cadadkiisii Isniintii doraad, kaasoo uu ku sheegay wargeysku in shir ay yeesheen sadexda Gudoomiye ee xisbiyadda iyo Madaxweynuhu lagaga hadlay saamiga qaybsiga oo go’aan ka gaadhistiisa ay xisbiyaddu dib ugu celiyeen Madaxweynaha, isla markaana kulankaa ay sadexda gudoomiye ku soo bandhigeen aragtiyo kala duwan.

cirro iyo sooWarkaa oo cinwaankiisu ahaa,”Madaxweynaha oo hogaamiyayaasha xisbiyadda kala tashaday muranka saami qaybsiga, Cirro oo soo jeediyay in labadda doorashaba dib loo dhigo, diidmadda Muuse Biixi iyo mawqifka Faysal” wuxuu wargeysku ku sheegay, in Madaxweynuhu kala tashaday Gudoomiyayaasha sida ugu suurta galsan ee xal looga gaadhi karo saami qaybsiga, isla markaana wargeyska oo xiganayay illo xog ogaal ahi wuxuu intaa ku daray, in dhinacayadaasi isla qireen in loo baahan yahay waqti ka badan inta ka hadhay xilliga doorashada, sidaa daraadeedna ay sadexda Gudoomiye soo jeediyeen aragtiyo kala duwan oo dhamaantood salka ku haya doorashada. Warkaa Wargeysku faafiyay wuxuu intaa ku daray, in Gudoomiye Cirro u soo jeediyay Madaxweynaha in dib loo dhigo labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Wakiiladda, balse uu aragtidaa diiday Gudoomiye Muuse Biixi soona jeediyay, in dib loo dhigo doorashada Wakiiladda lana qabto ta Madaxtooyadda, taasoo uu wargeysku sheegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku raacay Gudoomiyaha Kulmiye.

Geesta kale faafintii warkaa kadib Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo la hadlay Ogaal ayaa sheegay in aanuu jirin warkaasi, isla markaana ku tilmaamay mid salkiisu yahay been. “Habeen hore Madaxtooyadda waxa isugu yimi sadexda xisbi, komishanka doorashada iyo xubno kale, kulankaa Madaxweynuhu ma joogin, balse waxa joogay Madaxweyne ku xigeenka. Waxa lagaga hadlayay waqtiga diiwaan gelinta gobolka Sool soo jeedin laga keenay, ajandihiisuna kaasuu ahaa, wax kale oo lagaga hadlayna ma jirin, markaa ma jiro warkaasi.” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro. Wuxuu intaa ku daray in jidka doorashada lagu gaadhayo waqti ahaan ay wax waliba qorshaysan yihiin, isla markaana aanay ogolayn in laga leexdo.

Dhinaca kale siday  sheegeen xogo laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay kulankaa habeen hore madaxtooyadda ka dhacay, waxa la hor keenay soo jeedin la xidhiidhay in muddo bil ah dib loo dhigo xilligii ay gobolka Sool ka bilaabmi lahayd diiwaangelintu, taasoo qorshuhu ahaa inay ka bilaabato 13. August.2016. Wararku waxay intaa ku dareen in komishanka doorashadu uu xusay in aanuu haynin meel uu wax ka bedelo jadwal ahaan, isla markaana ay xisbiyaddu ku dooddeen in aanay qabin in la qaado talaabo wax u dhimi karta waqtiga doorashada. Warku wuxuu intaa ku daray in aakhirkii komishanku soo jeediyay in diiwaangelintu bilaabato 23. August, halkii ay ka bilaabmi lahayd 13.August, sidaana laysku raacay.

Comments are closed