Uncategorized

Qaraabo Kiilka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Cirka isku Shareeray iyo Ganacsade Cusub Oo Kooto Lagu Xidhayo Adeegga Raridda iyo Soo Dejinta Garoomada Diyaaradaha

Hargeysa:Nov,09,2014(SDN/QJ)-Waxa Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Dalka Soo Gaadhaya Warar kale oo sheegaya in Mar Kale Madaxweyne Siilaanyo Ku Hawllan yihiin sidii uu Ganacsade ay qaraabo yihiin ugu wareejin lahaa Shaqo ay gacanta ku hayaan muwaadiniin reer Somaliland ahi.

safeWarka Saxaafaddu hayso, ayaa sheegaya in Xukuumaddu sii wadato gacan ugelinta Goobaha Muhiimka ah ee dalka, waxana haatan gebogebo ku dhaw Go’aan xukuumaddu doonayso inay Shaqada soo dejinta iyo Raridda Xamuulka Garoomada dalka lagu wareejiyo Ganacsade Beesha Madaxweynaha kasoo jeeda.

Xogta warbaahintu Hayso ayaa tilmaamaysa in Nin Ganacsade ah oo kasoo jeea Beesha Madaxweynaha lagula Heshiiyey in la siiyo Qandaraaska Alaabta Kasoo degta garoomada dalka iyo midda ka dhoofta, kaas oo ay haatan gacanta ku hayaan Ganacsato kale oo ree somaliland ahi.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Siciid, ayaa la sheegayaa in lagula heshiiyey in lasiiyo dhammaanba adeegyada ay samayso shirkadda SASHA oo muddo labaatan sano ah dalka kasoo shaqaynaysay, waxana uu ninkani iska leeyahay shirkadda Safeway oo iyadu jirta Tigidhada lagu raaco shirkadda     Ethiopian Airline.

Wasiirrada Madaxtooyada iyo Duulista Hawada oo dhamaantood uu arrintan ula tegay, ayaa la sheegayaa inay hawraarsan kusoo dhaweeyeen, kuna ballan qaadeen inay wax kala qaban doonaan sidii uu arrintaas ninkaasi u heli lahaa.

Hoos ka akhriso heshiiska oo aanu Af-Somali idiinku soo turjunay iyo isagoo Afka Ingiriisiga ku qoranba;

ISFAHAM HESHIIS DHEXMARAY MUDANE CUMAR SICIID IYO SHIRKADA DAYUURADAHA ITOOBIYA.

Mudane Cumar Siciid oo ah Maareeyaha Shirkada Safeway Travel ayaa magaalada Addis Abeba kula Kulmay 24kii Bishii April 2014 Mudane Hailemelkoute Memo oo ah Maareeyaha Shirkada Dayuuradaha ee Itoobiya u qaabilsan mandaqada. Sidoo kale wuxuu Mudane Cumar Siciid 28kii bishii April 2014 la kulmay Mudane Abraham Amiga oo ah Maareeyaha Shirkada u qaabilsan Somaliland.

Sababaha kulamadan uu Mudane Cumar Siciid la qaatay wakiilada Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ayaa looga gol lahaa sidii looga wada hadli lahaa in Shirkada Safeway Travel ay mustaqbalka uga hawl-geli lahayd dhanka rarida iyo rogida alaabada ee Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal. Waxaana la iskula meel dhigay in la abuuro Shirkad ay wada leeyihiin Mudane Cumar iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya oo ka hirgelin doonta adeegyadaasi Garoonka Cigaal ee magaalada Hargaysa.

Qodobada heshiiskan ee darafyadani gaadheen ayaa u dhignaa sidan;

Mudane Cumar Siciid ayaa u soo xasilin doona Liisanka ay Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ku fulin lahayd rarista iyo dejinta alaabada.

Marka uu Mudane Cumar Siciid soo helo Liisanka isaga iyo Shirkadu waxay isla diyaarin doonaan imkaaniyaadkii sahlayay adeegan cusub ee rarista iyo dejinta.

Marka ay Mudane Cumar Siciid iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya abuuraan shirkadan ka dhaxaysa waxay adeegan u qaban doonaan Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ka dibna waxay uga sii gudbi doonaan inay adeegan u fidiyaan Dayuuradaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Magaca iyo nooca Shirkada waxaa isla meel dhigi doona Mudane Cumar Siciid iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya. Magaca ay qaadan doonto Shirkada cusub ayaa noqon doona mid dhex-dhexaad ah oo ka baxsan labada Magac ee Shirkada Safeway Travel iyo Ethiopian Airlines.

Mudane Cumar Siciid wuxuu cadeeyay in isla markaasba uu Shirkadan ogolaan doono Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxa sidoo kale isna ogolaan doona Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Mudane Cumar Siciid wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadan cusub taasoo muujinaysa buu yidhi mar labaad xidhiidhka adag ee guusha ah ee ka dhexeeya Shirkada Dayuuradaha Itoobiya iyo Shirkada Safeway Travel.

Heshiiskan hordhaca ah waxaa ku wada saxeexan Mudane Cumar Siciid iyo Abraham Amiga.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com