Uncategorized

Maalqabeeno uu Wasiirka Arrimaha Dibadu Kulan kula Qaatay Magaalada Dubai Daawo Sawiro

Dubai 10.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ku Sugan dalka Isu taga Imaaraadka Carabta oo uu ku joogo booqasho rasmi ah ayaa  kulamo kala duwan la qaatay Maal-qabeeno daneenaya inay maal-gashadaan Somaliland.

Shirkadaha uu Wasiirku Kulanka la qaatay waxaa ka mid ahaa Hay’adaha Samafalka oo ay u horeyso “Khalifa Foundation” taas oo isla af-garteen in mashaariicdii hore ee Imaaraadku ogalaadeen sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxa oo kaloo la kulmay Safiirka Somaliland iyo Somaliya ee Imaaradka, taas oo ay ka wado hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada wadan ee walaalaha ah.

IMG_6093 copy IMG_6134 IMG_6142 IMG_6145 IMG_6150 IMG_6164 IMG_6193 IMG_6229

Dubai SDN.

Qurbejoog.com