|

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka oo ka hadlay Dhibaatada ka dhalan kara Lacagtii ka badnayd Nus Milyanka Dollar ee laga xaday Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya

Muqdisho 29.August 2016 (SDN/QJ):-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay wax laga xumaadana ku tilmaamay lacagtii dhawaan laga xaday Bangiga dhaxe ee Dowlada Soomaaliya .

 

Xildhibaan Shariif Maxamed CabdalleWaxa uu sheegay Xidhibaanka in lacagta laga xaday Bangiga dhaxe ee Soomaaliya ay dowlada u keeni karto dhibaaatooyin badan sida in Beesha Caalamka ay aamini weyso kuna wareejn weyso lacago badan ay horey ugu balan qaaday Dowlada .

 

Xildhibaan Shariif Maxamed ayaa tilmaamay in nasiib daro ay tahay in Qasnadii Bangiga dhaxe lagala baxo lacag ka badan Nus Milyuun Dollar, waxa uuna xusay in xatooyada ka dhacday Bangiga dhaxe kusoo aadan xili kala guur ah.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya in aysan suurto gal aheyn in hal qof uu Qasnada Bangiga dhaxe kala baxo lacag dhan Nus Milyuun Dollar, waxa uuna intaa raaciyay in xatooyadan ay abuureyso walaac badan.

 

 

Hadalka Xildhibaankan katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan Bnagiga Dhaxe ee Soomaaliya laga xaday lacag ka badan Nus Milyuun Dollar, waxaana lacagtaasi xaday xubno kamid ahaa maamulka sare ee Bangigaasi.

Comments are closed