Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Xisbiga Ucid ayaa si Xoogan u canbaareeyay Xadhig ay Sheegeen inuu Xaq daro yahay oo lagula Kacay Marwo Luul Xasan Mataan oo ahayd Gudoomiyaha Xarunta Xanaanaynta iyo Daryeelka Caruurta derbi Jiifka ah ee Degmada Maxamed Mooge .
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid ayaa Mas’uuliyada Xadhiga Marwo Luul waxa uu dusha ka saaray Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamud Axmed Bare Garaad,waxayna sidaas ku sheegeen warsaxaaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Md Yusuf Keyse A/laahi kaas oo u dhignaa Sidan :- Waxa Caawa oo taarikhdu tahay 26/10/2013 u Xisbiga Ucid soo saaray war-Saxaafadeedkan aanu Si adag ugu canbaareyno Xadhiga Xaqdarada ah ee ay xukuumadu ku Xidhey maanta Hooyadii ama Gudoomiyaha Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka ee Luul Xasan Mataan ee ku taala Degmadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa. Waxaana runtii ah wax laga xumaado,isla markaana laga xishoodo in Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu uu Xadhig Xaqdaro ah Ku Xidho Aasaasihii islamarkaasna ah maamulaha xaruntaasi Marwo Luul Xasan Mataan sifo ka baxsan Bila aadanimada iyo Shuruucda Dalka U Taalaba in Maanta lagu Xidho Saldhiga Dhexe,iyada Oo Caawa ay Masuul ka tahey wixii dhibaato ah ee ka dhacda Xarunta Darbi Jiifka Xukuumada Xidhey Maamulahoodii
Hadaba.Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa u soo mara foojarka deeqda yar ee ay xukuumaddu ugu deeqdo 150 ka mid ah caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo min 4000 SL Shillings maalintii ay siiso ilmihiiba, taasna macnaheeduna maaha in ay wasaaraddu si toos ah iyo si dedban toona u maamusho xaruntaasi.
Iyada Oo 7 bilood Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshadu Sifo Sharci daro ah Waraaqo Badalaad ah ugu qorayey Gudoomiyaha Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka Marwo Luul Xasan Mataan
Xaruntana Waxaa Maamula Gudi Ganacsato ah oo ka Kooban 5 Xubnood isla markaana ka Madaxbanaan Xukuumada sida Ku Cad Xeer Hoosaadka Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Darbi Jiifka ah
Sidaa Daraadeed Waxa Xisbiga Caadaaladda iyo Daryeelku u arkaa Xadhiga Xaqdarada ah ee Marwo Luul Xasan Mataan
In ay sii xoojinayso ama ay ka dhabeysey tuhunkii ahaa in arrintan aanay ka madhnayn siyaasad maadaama maamulaha xarunta ee xukuumaddu toocsanayso ama Eryaneyso ay la dhaltay ama ay walaal yihiin Musharaxa Jaggada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Ucid mudane Cabdirashiid Xasan Mataan. Taas oo sida la sheegay ay Xukuumadda Kulmiye ka cabsi qabto in caruutaasi darbijiifka ah ay Marwo Luul UCIDEYN karto mustaqbalka. Waxa aanu xukuumadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaana wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ugu baaqeynaa in caruurta jilicsan ee u nugul dhibaatada ay ka deyso hagardaamadda oo dhaqaalaha yaraa ee siin jirtay ee ay ka xanibtay mudda 7 bilood ku dhow u sii deyso. Waxa kale oo aan Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqeynaa in Si Deg Deg Ah Xoriyadeedii Ugu Soo Celiso Marwo luul Xasan Mataan oo ah Hooyada Caruurta Derbijiifka ah ama Maamulaha Xanaaneynta Caruurtaa Yar Yar Ee aan Saacad Xamilikarin in la Waxyeeleeyo, Oo aanay Meelahaas Oo kale siyaasad ka dayin ee ay ku eekaadaan dadka iyo caruurta GURIJIIFTA AH .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
