|

Maamulka Baarlamaanka Federaalka Oo Shaaciyey Xiliga Ay Bilaabanayaan Shaqooyinka Xildhibaannada Lasoo Doortay

Muqdisho 02. December 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horeyn shaaciyey in Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee lasoo doortay ugu horeyn looga baahan yahay iney tagaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka dadban ee 2016 halkaasi oo iminka lagu diyaariyey shahaadooyinkooda cadeynaya natiijada doorashada ay kusoo guuleysteen marka ay soo qaataan kadibna looga baahan yahay in ay la yimaadaan maamulka Baarlamaanka gaar ahaanna xarunta Villa Hargeysa si loogu diyaariyo diiwaan gelintooda iyo kaararka aqoonsiga.

 

mudane-c-kariin-xaaji-cabdi-buux“maamulka Baarlamaanka waxa uu diyaariyey wax walba oo ay u baahnaayeen iney ku bilowdaan howlaha Baarlamaanka sida diiwaan gelinta iyo kaararka aqoonsiga ee la siiyo Xildhibaanka, Shalay ayay Bilaabantay oo Bishu ahayd 01-December taas oo guddiga doorashooyinka u bilaabeen bixinta shahaadooyinka marka uu mudanaha soo qaatana shahaadada waa in uu la yimaadaa maamulka Baarlamaanka Villa Hargeysa isaga oo wata laba sawir iyo cadeynta qofka” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

 

“si loo dedejiyo howlaha hor yaala Baarlamaanka maamulka Golaha waxa uu diyaariyey wax kasta oo looga baahan yahay, holwadeenadeenna waxey diyaar u yihiin iney shaqeeyaan maalin kasta oo shaqo laga bilaabo 09:00AM Subaxnimo ilaa 04:00PM galabnimo waxaan maamul ahaan aad ugu rajo weynnahay in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka 10aad uu noqdo 06-December-2016 waase marka la helo tirada loo baahan yahay oo ah 184 Xildhibaan waxaanna rajeynayaa mudada kooban ee noo hartay in howlahan lagu qaban doono “ ayuu yiri Xoghayaha Golaha Shacabka.

 

Ugu dambeyntii Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa tilmaamay in fariintiisa ay ku socoto Baarlamaanka Federaalka oo ah labada Aqal oo kala ah Aqalka sare iyo Golaha Shacabka oo marka ay wada joogaan la isku yiraahdo Baarlamaanka Federaalka.

Comments are closed