|

Madaxweyne Gaaska Punt land oo Ka Noqday Go’aankii Hakinta Doorashooyinka Aqalka Hoose,Sababta Markii Hore uu Go’aanka u Qaatay & Bidhaanta Xaleed ee u Muuqatay

Garowe 02. December 2016 (SDN/QJ):- Wararka Laga helayo saraakiil ka agdhow Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in Puntland ka laabatay go’aan laba cisho ka hor ay ku hakisay doorashooyinkii Aqalka hoose ee kasocotay magaalada Garowe, taasoo lagu joojiyay Amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

 

puntland-iyo-doorashadaMadaxweynaha Punt land Dr Gaas oo hadda ku sugan waddanka China, ayaa go’aankan ka noqday kadib markii ay xiriir wada sameeyeen beesha Caalamka iyo Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, iyagoo kawada xaajooday arrimo la xiriira sababta keentay hakinta doorashada.

Waxaa sidoo kale xiriirkaas lagu cadeeyay inaysan Puntland awood u lahayn inay is-hortaag ku samayso soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia.

Xogaha Warbaahintu helayso ayaa sheegaysa inaysan sababta loo joojiyay doorashada la xiriirin xubnaha ka imaanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, balse mashaakilku ka yimid lacag lagu bixinayay doorashada qabsoomideeda oo aysan wali helin Puntland.

Warku Wuxuu intaas raacinayaa in xubnaahaas is-afgarad ka sameeyeen waxyaabaha Puntland ka biyo diiday gaar ahaan lacag gaaraysa 2 Milyan oo doollar, oo ku xirnayd qoondada Dumarku ku leeyihiin Aqalka hoose sida Puntland uga soo baxdo.

 

Goor sii horraysa guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay inay socdaan dadaallo dib loogu bilaabayo doorashada iyagoo ka gaabsaday inay waraysi ka bixiyaan siday u arkaan xannibaada Puntland ku samaysay doorashada socotay.

Lama oga tallaabadan inuu la ogyahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo horay qoraalku uga soo baxay xafiiskiisa.

 

Madaxweynaha Puntland, ayaa hore sidaan oo  kale deg deg uga laabtay go’aamo uu qaatay, waxaana dadka u odorosa siyaasadda sheegayaan inaysan jirin wadashaqayn ka dhaxaysa laamaha kala duwan ee dowladda.

 

Horay ayay ahayd markii Gaas uu uga laabtay go’aamo Punt land ku diidanayd Nidaamka 4.5, taasoo muddo badan ku cel-celiyay inaysan qaadan doonin dalka Somalia lagu celin karin, balse muddo kadib uu si qarsoodi ah u ogolaaday.

Comments are closed