|

Maanso: ‘’Dhabanna hays’’

carab

Maansadani (Dhabanna Hays)  waxay ku saabsantahay TAHRIIBTA, waxaana ay igu dhalatay kaddib markii maanta lasoo sheegay warkii dhiillada ahaa ee Doonidii ay la socdeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee gaadhaysay 500 oo ruux kuwaasi oo ku qar-qoomay biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Masar.

Warkan maanta soo dhacay

Ma dhabbaa abwaanoow

Umad baa dhamaatoo

Dhiillaa baxaysoo

Dhuuxbaa dareeree

Horta mayla dhugateen

Hooyaa dhafoorkiyo

Dhabanada is haysoo

Dhalan-dhoolka qaylada

Had-ba dhinac u carartoo.

Dhalaankeedi waydoo

Dhuuryada laylaysiyo

Haad uu ku dhacayaa

Hadii dhiig la daadshiyo

Dhafoor layska toogtiyo

Dhiifta xamarta weyn taal

Dhibtu adiga kula tahay

Ogoow tani ma dhaantee

Dhalinyariyo waayeel

Badaha dhameeyoo

Maydkaa dharaarahan

Tarab tarab u dhiganoo

Masar dhinacyadeeday

Raqdu dhoobantahayoo

Bahaluhu dhargeenoo

Boorama dhankeediyo

Dhuuxii Hargeysiyo

Burco dhoomeheediyo

Sool dhinacyadeediyo

Sanaagbay dhalaankiyo

Dumarkii sidii dhibic

Ilmo dhaygageenoo

Qooyeen dharkiiyoo

Dhagta loogu ridaayaa.

Dhulkanay nimcadu taal.

Cabdoow waase dhalanteed

Dhaanbaa inoo maqan.

Dhaqaalaha la cunayaa

Ragbuu dhabana hays iyo

Dhaka faar ku ridayoo

Waa kuwaa dhaqaaqee

Ku dhamaaday doontee

Dhidarkiyo waraabiyo

Dheefsaday libaaxii

Dhiiga miiran jirayoo

Yaxaas dhuunta mariyee

Dhulkan yaa u maqanee

Horta laga dhur sugayaa

Inu baajo dhiillada?!!!.

W/C: Cabdinuur Carab

Hargeysa, Somaliland

Facebook: Abdinuur Carab

Taariikhda: 17/04/2016

1 Comment for “Maanso: ‘’Dhabanna hays’’”

Comments are closed