Hargaysa 07.Feb (SDN)Ku simaha Mayorka caasimadda ahna ku xigeenka Mayor-ka iyo xoghayaha dawlada hoose oo ay weheliyaan gudoomiyayaasha degmo ee caasimadda iyo saraakiisha booliska ayaa maanta shir lagaga wada hadlayey arimaha nabadgelyada ku yeeshay xarunta Dawladda hoose ee Hargaysa.
Ku simaha Mayor-ka caasimadda ahna ku xigeenka Md cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa hadal uu kulankaasi ka jeediyey waxa uu ku dheeraaday sida ay somaliland u maaraysay adkaynta iyo hirgelinta ammaanka guud ee dadka iyo dalka.
Md cabdicasiis waxa uu u soo jeediyey gudoomiyayaasha degmooyinka inay wada shaqaynta loo baahan yahay la sameeyaan saraakiisha Booliska, isagoo ku wargeliyey in isla xisaabtanku noqon doono hawsha ugu weyn ee uu culayska saarayo.
Md Mowliid weris cabdilaahi oo ah Xoghayaha dawlada hoose ee caasimadda ayaa isna ballanqaaday inay dawlad hoose ahaan wada shaqayn buuxda la samaynayaan hay’adaha dhinaca ammaanka ee caasimadda iyo guud ahaanba Dalka somalialnd.
kulankaas waxaa kaloo warbixino isku dhaafsaday gudoomiyayasha degmooyinka caasimadda iyo saraakiisha qaybaha Booliska.
Hargaysa SDN.
