|

Madax-dhaqameedkii Muqdisho oo booqday Aqalka Guurtida

Hargeysa April 26, 2023 (QJ) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta kulan ku yeeshay Gollaha Guurtida Somaliland Iyo xubno ka socday odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ku hawlanaa dhex dhexaadinta dagaalada ka socda degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ka warbixiyay dadaalada nabadeed ee ay Somaliland soo martay iyo doorka goluhu ku leeyahay iyo waliba xaalada Laascaanood.

Horay waxaa magaalada Laascaanood u tagay madax dhaqameedkan ka yimi magaalada Muqdishu, waxayna kulamo la yeesheen madax dhaqameedka SSC, waxayna kala hadleen arrimaha Laascaanood.

Dhinaca kale, waxa magaalada Hargeysa ka soo baxaya warar sheegaya in kulan la filayo inuu dhex-maro odayaasha iyo madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo muddo xileedkiisu dhammaaday sannadkii hore, isla markaana ay beesha caalamka cadaadis kala kulmayso sidii ay ciidammadooda uga qaadi lahaayeen. laga bilaabo Laascaanood iyo qabashada doorashada madaxtooyada.

Comments are closed