|

Midowga Yurub oo maalgelinaya degaanadii Shabaabka laga saaray

Muqdisho April 26, 2023 (QJ) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 milyan oo Yuuro, kaasoo loogu talagalay in lagu dhiso goobihii ay horay uga talin jirtay Al-shabaab ee Soomaaliya.

Mashruucan ayaa looga gol leeyahay in lagu sugo amniga iyo xasiloonida deegaanadaasi iyadoo la dhisayo saldhigyo boolis, in la sameeyo ceelal biyoodyo, dayactir lagu sameeyo wadooyinka burbursan.

Sidoo kale, mashruucan ayaa fududeyn doona wada-hadal dhexmara bulshada ku dhaqan deegaannadaas, waxaana ka qayb-geli doona kulamo dhexmari doona dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ururada bulshada rayidka ah.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa dhowr maamul goboleed oo ay ku jiraan Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland. Mashruucan ayaa marka hore la beegsan doona magaalooyin ay ka mid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-ceele, iyo Aadan Yabaal.

Comments are closed