|

Madaxa Dahabshiil:Ganacsiga Soomaaliya waa furan yahay,Shirkada dahabshiil ma Soomaaliyaa laga leeyahay mise Somaliland?

London 29,2012(SDN)-Madaxa Shirkada Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale  ayaa dhawaan barta Internetka iyo Jariirada Africa Report waxa ay ku dareen 50 ruux ee Africa ugu saameynta badan.

Hadal kooban oo boga arintan lagu faafiyayna waxa lagu sheegay in madaxa shirkada ee haatan uu shirkada ka dhaxlay Aabihii.

“Soomaaliya waxa ay u furan tahay Ganacsi”ayaa horudhac looga dhigay boga u gaarka ah madaxa Dahahbshiil ee Africa Report.

Cabdirashiid ayaa waxa laga soo xigtay in Ganacsigu muhiimad gaara u leeyahay dhalinta Soomaalida.

“Waxqabadka suurtogalka ah ee ka bedelen kuwii hore waxa ay ilaaliyaan dadka jilicsan ee Soomaaliyeed,khaasatan dhalinta oo ay ka ilaaliyaan culeysyada uga yimaada xagjiriinta ay ka midka yihiin Burcad badeeda iyo Argegixisada”ayuu yiri Madaxa Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale.

Madaxa Dahabshiil ayaa Somaliland soo hadal qaaday mar uu sheegay in shirkadiisu dhawaan Hargeysa ka furi doonto Bank caalemiya.

Xukuumada Somaliland ayaan weli sharci u heyn nidaamka Bananka,madaxa Dhabshiil kama hadal sida arinkaa uu u suurtagelin karo.

Shirkada Dahabshiil ayaa fursadan uga faaiideyn karayay dadka reer Somaliland ee a heystaan caqabadaha ay ka midka yihiin maalgashi la’aanta iyo Ictiraaf raadinta.

Shirkada Dahabshiil ayaa abaalmarinta la siiyay waxa ay u muuqataa in ay ku heshay isu muujinta in ay tahay Shirkad xarunteedu tahay Soomaaliya.

Ama ay ku qancineyso reer Soomaaliya isu muujintan,halka ay ku tumaneyso macaamiisha ku nool halka xudunteedu ku aasan tahay,Somaliland.

Wax dhiba kuma jirto in shirkaduhu lahaadaan dano,iyo in ay ka ganacsadaan wadamo kala duwan.

Madaxa Dahabshiil waxa uu sheegay in Shirkadu ay ka ganacsato 140 wadan oo caalamka ku kala yaal,maxeey waxaas oo idil uga Doorbiday Soomaaliya?

Shirkada Dahabshiil waxa ay shirkadaha kale ee dalka ka ganacsada uga duwan tahay waa iyada oo laga aasaasay Somaliland guusheedu ay soo hooyeen reer Somaliland.

Halka badanka shirkadaha kale ee caanka ahi ay saami ku leeyihiin dad kala duwan oo u dhashay dalal iyo dad kala gedisan.

Hadaba hadii shirkadii noocaasa ahi aaney la iman kalsooni ay dadkeeda uga faaideyso magaca iyo maalka ay ka dhex abuuratay,yaa ay tahay in ay ka shaqeeyaan ka mro dhalinta himilooyinkooda.

Hadiiba siyaasada laa yimaado miyaaney shirkadu sawir guud ka bixin karin fursadaha ganacsi iyo caqabadaha ku xeeran ee Somaliland ka jir?.Maxeyse Shirkada Dahabshiil uga duwan tahay ashqaasta kale ee Somaliland ka door bida Soomaaliya?malaha LACAGTA.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed