|

Madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland oo kulan la Qaatay Safiirro ka tirsan dawladda Jarmalka

Hargaysa 01.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa kulan la qaatay safiirro iyo dublamaasiyiin ka socda dalwadda Jarmalka.

madaxdaKulanka oo ahaa mid casho ah ka dhacday huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, waxa guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID, WADDANI – Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay kala wehelinayeen xubno ka mid ah saraakiisha axsaabtu ay la kulmeen wefti ay hoggaaminayso Safiirka cusub ee Jarmalku u soo magacaabay Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Jutta Frasch, oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Madaxda axsaabta Somaliland iyo safiirka oo dhankeeda ay la socdeen dublamaasiyiin kale waxay ka wadahadleen arrimo badan oo la xidhiidha iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, mucaawada iyo taageerada dawladda Jarmalku siiso Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland. Waxaannu ku dhammaaday isafgarad iyo dardaaranno labada dhinac ku kala tageen.

Comments are closed