|

Guddida Ictiraaf-raadinta Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Ka Warramay Guulaha Ka Dhashay Dedaalkooda Qaaradda Yurub

Hargaysa 01.July 2016 (SDN/QJ):-  Guddida Ictiraaf-raadinta Somaliland ee Dalka Sweden, oo ku sugan Hargeysa, ayaa Shalay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaadhiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, waxayna Xog-waran ka siiyeen halka u mareyso Hawshooda Diblumaasiyadeed.

Gudida Citiraaf raadinta SwedenGudoomiyaha Guddidan Marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo Maxamed Yuusuf Bidhiidh oo ka mid ah xubnaha Guddidan iyo Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Magaalada maalmo ayaa kulanka Wasiirka waxay xog warran ka siiyeen halka ay marayso arrinta ictiraaf raadinta ee laga wado dalka Sweden iyo qaaradda Yurub, waxaanay sheegeen in baarlamaanka dalkaasi in ka badan toban jeer ay doodo toosa ka yeesheen qadiyadda Somaliland.

Xubnahan, ayaa waxa kale oo ay sheegeen in jaaliyadaha Qaaradda Yurub ee Somaliland iyo guddida ictiraaf taadinta ee dalku ay kaalin wayn ka qaadanayaan sidii dalku ixtiraam iyo aqoonsi buuxa uga heli lahaa waddamada caalamka.

“Waxaanu had iyo jeer ku dedaalnaa sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf buuxa anaga rajaynaynaa inaan guul ka gaadhi doono inaan xaqiijino hadafka shacabka Somaliland ee ah ina jamhuriyadda Somailand ka mid noqoto beesha caalamka.” Ayay tidhi Guddoomiyaha Guddida ictiraaf raadinta jamhuuriyadda Somaliland

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyo Guddoomiyaha Hay’adda Qurbejoogta Somaliland, ayaa waxay si diiran u soo dhaweeyeen dedaallada Guddida ictiraaf raadinta ee dalka, waxaanu wasiirku kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dedaalkooda ictiraaf-raadineed, “Aad ayaan idiinku hambalyaynayaa dedaalka laxaadka leh ee aad ugu jirtaan sidii ay Somaliland ictiraaf buuxa u heli lahayd waxaanan idinku dardaarayaa inaad sii laba jibaartaan dedaalka aad wadaan ilaahayna ha idinku garab galo.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Comments are closed