Uncategorized

Madaxda Yurub oo saadaaliyay in 2012 noqon doono mid dhaqaaluhu sii xumaado

London Jan 02,2011(qurbejoog.com)-Madaxda dawladaha ugu tunka weyn reer Yurub ayaa hadalo ku wejahan sanadkan cusub oo ay jeediyeen waxa ay ku sheegeen in sanadkan cusubi uu ka adkaan doono sanadkii ina dhaafay.

Madaxa dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in inkasta oo dalkeedu dhaqaalihiisu caadi yahay hadana la filayo in xaalada maaliyadeed ee reer Yurub uu sanadkan khalkhal dheeri ahi ku soo fool leeyahay.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu u baahan yahay in uu taabo geliyo tilaabooyin wax looga qabanayo hoos u dhaca dhaqaale.

Labada Masuul waxa ay ka sinaayeen ku adkeysiga in Midawga Yurub aanu burburi doonin.

Madaxda dalalka Spain,Italy iyo Greece ayaa shacabkooda ugu baaqay in ay isu diyaariyaan sanad adag.

 

Qurbejoog-London

contact@somalidiasporanews.com