Uncategorized

Madaxtoyada Somalia Oo Taliye Cusub Yeelatay Iyo Shakigii Ammaanka Oo Galaaftay Kusimihii Hore

Muqdisho:Mar,15,2015(SDN/QJ)-Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somalia, ayaa taliye cusub loo magacaabay, waxana xilkii uu hayey laga qaaday Ku simaha taliyihii hore oo muddo xilkaas soo hayey.

talisMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Digreeto xilka kaga xayuubiyay Ku Simihii Taliyaha ahna Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Duraan Axmed Cali, isla-markaana ku magacaabay taliyaha cusub oo ah Ibraahim Sheekh Muxyadiin.

Taliyaha cusub, ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegay xilka loo magacaabay, iyadoo la magacaabay ka hor intii aanu Madaxweynaha Somaliya u amba bixin Magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar.

Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa hore u soo noqday Madaxii Maamuska Madaxtooyada Somaliya. Wuxuuna ku heyb yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Duraan Axmed Cali, ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfurta Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Waxa uuna u muuqdaa mid xilligan ka tegaaya Madaxtooyada.

Tani waxay qayb ka tahay is bedelada uu Madaxweynuhu ku sameynayo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, kadib markii ay soo baxeen dhaliilo xagga ammaanka ahi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com