Nairobi:Mar,15,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aaddan Barre Ducaale, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inay Kenya Diyaar u tahay inay wada-hadal la furato Xoogagga Al-shabaab.
Aadan Barre Ducaale oo ah Mudane Soomaali ah, ayaa isagoo warbaahinta la hadlay shaaciyey inay Kenya si weyn diyaar ugu tahay inay Shabaabka kala xaajoodaan rabitaankooda, maadaama maalin walba kooxahani laynayaan shacab Kenyan ah.
Aadan Barre Ducaale ayaa ugu baaqay Xarakadda Al-shabaab in ay u turaan Dadka Soomaaliyeed islamarkaana ay joojiyaan Weerarada Joogtada ah ee ay ku hayaan Deegaamada Gudaha Dalka Kenya.
Waxa uu sheegay in dhib waliba oo ka dhaca dalka Kenya ay Ciidamada Amaanka u qabqabtaan Soomaali badan oo aan waxba galabsan, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, hadalka Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii dorraad Xarada Al-shabaab ay Weerar culus la beegsatay Kolonyo Baabuur ah Oo gelbinaayey Gudoomiyaha Deegaanka Mandheere.
Ugu dambeyntii, waxa kale oo dhawaaqani ku soo beegmayaa iyadoo Ciidammo badan oo kenyaan ahi ay ku Sugan yihiin Gudaha Dalka Soomaaliya, wuxuuna cadeeyay in ay dhawaan bilaabi doonaan wada-hadalka ay la furayaan Xoogaga Alshabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
