|

Madaxwayne Axmed Siilanyo oo la filayo in mudo kordhin loo sameeyo,Sababaha Keenaya Iyo Xisbiga Mucaaradka ah Ee waddani oo sida fiinta uga qayliyay DAAWO

Siilaanyo,Saylici,SaleebaanHargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Maalintii Doraad ee Salaasadii ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Wuxuu Shir deg deg ah isugu Yeedhay Shirgudoonka Baarlamanka Somaliland, Iyo Hogaanka Sadexda Xisbi Qaran Waxaa Guud ahaan Kulankaas Nuxurkiisu uu ku ururayay Sidii ay Doorashooyinku Xiligii loogu talo galay ee Horaanta Sannadka Danbe dalka uga Hirgali lahaayeen,Waxaa kale oo Madaxweynuhu Axsaabta qaranka isaga riixay ka go’aan gaadhista Khilaafka ka taagan Saami qaybsiga Gobolada ee Kuraasta Golaha Wakiiladda.

Waxaa soo if baxaya Mudooyinkii u danbeeyay in aanay Suurto gal ahayn in Doorashooyinka is barkan ee Madaxtooyada iyo Wakiiladdu Wakhtigoodii ku dhacaan Iyadoo loo aanaynayo in Xogta diiwaangelinta Codbixiyeyaashu 100% aanay noqon doonin Mid sidii loogu talo galay u soo baxda,Sidoo kale Dhaqaalihii lagu qaban lahaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobolada Bari ayaa la sheegayaa in aanay Gacanta Komiishanka Doorashooyinka soo Gaadhin, Isla markaana aanay suurto gal ahayn in labadaas Gobol oo ka Xaalad duwan dalka intiisa kale in uu ku yimaado hakad.
Hadii amuurahani Sidaasi u dhacaan Waxaan Shaki ku Jirin in Madaxweyne Siilaanyo Mar labaad loo Kordhiyo Mudo Xileedka uu Kursiga sii Fadhinayo hadaba Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Cod dheer kaga digay Mudo Kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

Comments are closed