|

“Madaxweynaha Ha Loogu Dhaarto In Kursiga looga Hadhay” Guddoomiye Cirro oo u Jawaabay Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 25. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Maanta Cisbitaalka Guud ee Caasimadda Hargaysa Waxa uu ku booqday dad ku soo dhaawacmay dagaal beeleedkii todobaadkan ka qarxay deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag.

Mudane C.raxmaan Cirro ayaa Waxa uu Jawaabo ka bixiyey Hadal shalay ka soo Yeedhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi “Madaxweynuhu waxa uu ii soo diray Telefoon, Waa runtii waannu ku Mahadsan yahay Madaxweynuhu. Anigoo boorama jooga wuxuu igu war-geliyay in Collaadi halkaas ka dhacday, aad baannu ugu Mahadsan yahay War-gelintaas, waxaannu Aniga (Cabdiraxmaan Cirro), iyo Madaxweynuhu isla qaadannay inaan Baaq nabaddeed ka jeeddiyo arrintaas. Baaqii nabaddeed Saacad kadib, ayaan ka jeeddiyay Anigoo boorama jooga. Anigunna waxaan ku idhi Madaxweynaha xilku idinkuu idin saaran yahay, adiga ayuu ku saarran yahay, markaa Madaxweynaha waxaan jecelahay inaanay isaga qaldamin Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Cabdiraxmaan Cirro xilka laga rabo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka jawaabbaayay su’aal ahayd in hadalladii Madaxweynuhu u muuqdeen innuu wali ku jiro xilligii doorashadda, ayaa waxa uu yidhi “Doorashaddii waynu galnay, sidii ay ku dhammaatayna waynu ogayn, guusha uu sheegtay Madaxweynuhunna siddii ay ku timid waynnu ogayn, laakiin Xisbigu wuxuu go’aan ku gaadhay isagoo tudhaaya in Madaxweynaha Kursiga looga hadho, markaas malaa Madaxweynuhu muu rumaysan in Kursiga looga hadhaye ha loogu dhaarto” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Comments are closed