|

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Dhaqangaliyay Miisaaniyada Qaranka ee 2013

Hargaysa 31.Dec (SDN)

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1492/122012 ku dhaqan-geliyey miisaaniyad qaranka ee sannadeedka 2013-ka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:              Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/G/KF-20/584/2012 ee ku taariikhaysan 31/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan;

 

Wuxuu Soo Saaray

 

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Mad-bacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31-12-2012 ay dhaqal tahay miisaaniyada qaranka ee 2013-ka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Hargaysa SDN

Comments are closed