|

Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo beri la fasaxay sannadka Cusub ee 2013ka awgii

Hargaysa 31 Dec (SDN)

Wasaaradda shaqada iyo Arimaha bulshada ee jsl ayaa maanta ku wargelisay dhamaan shaqaale-weynaha JSl inay fasax yihiin maalinta berrito ee salaasada munaasabadda sanadka cusub ee Miilaadiga awgeed.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Somaliland uuna ku saxiixan yahay agaasiamaha guud e wasaaradaasi Md Baashe Yuusuf Axmed ayaa agaasimuhu hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaale-weynaha JSl munaasabadda sanadka cusub ee miilaadiga, halka sidoo kalena lagu wargeliyey shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba in ay shaqaaluhu fasax ka yihiin shaqooyinkooda maalinta burrito  ee salaasada.

 

Dhanka kalena war uu maanta xafiiskiisa ka soo saaray gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Md Nuux sh Muuse Ducaale ayuu ku iclaamiyey fasaxa shaqaalaha dawladda ee maalinta burrito munaasabadda sanadka cusub ee miilaadiga awgeed.

Hargaysa SDN

 

Comments are closed