|

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda, Ergay Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Laamaha Xukuumada

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markuu Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markuu Arkay:                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markuu ku Qancay:            In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markuu Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

Tir Magaca Xilka
1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka
2. Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka
3. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada
4. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
5. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
6. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
7. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay
8. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
9. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya

 

Madaxweynuhu Wuxuu Masuuliyiinta xilka wareejinaya uga Mahadceliyey sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Comments are closed