|

Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Todoba Mas’uul oo Ciidamada ah!!!

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markuu Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markuu Arkay:                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markuu ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markuu Sameeyey:            La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

 

Tir Magaca Xilka
1. Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
2. Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
3. Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari
4. Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan Carraale Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
5. Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
6. Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed Xirsi Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka
7. Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka

 

Madaxweynuhu Wuxuu Gabo gabadii Masuuliyiinta xilka wareejinaya, uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana wuxuu farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.

Muuse Biixi Cabdi

ALLAA MAHAD LEH

Comments are closed