|

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo saxiixay amar ka dhan ah shaqaalaha Ajaanibta

Washington 19. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale saxiixay amar ka dhan ah dadka Ajaaniibta ah ee kunool dalkaasi gaar ahaan kuwa shaqaalaha ,xili uu ku sugnaa xaruta shirkada Wisconsin..


Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo dhigaya in dib u eegis lagu sameeyo barnaamijka dal ku galka ku meel gaarka ee loo adeegsado in lagu shaqaaleysiiyo shaqaalaha ajaanibta ee ka shaqeeya Mareykanka.

Madaxwenaha dalka Mareykanka amarkan cusub uu saxiixay ayaa ah mid looga gon leeyahay in looga hortago in si khaldan loo adeegsado barnaamijka dal ku galka Mareykanka ee muddada dheer soo socday.

Donald Trump ayaa sheegay in amarkan cusub uu saxiixay ay dhiiragelineyso in shacabka Mareykanka ay wax ka iibsadaan isla shirkadaha dalkaasi, ayna sidoo kale shaqaaleysiiyan dadka Mareykanka.

Waxaa uu cadeeyay rump in adeegsiga khaldan ee waaxda socdaalka ay sahashay in shaqaalaha Mareykanka lagu bedelo dad laga keenay dalal kale si ay u buuxiyaan isla shaqooyinkii ay hayeen oo lagu siiyo buu yiri lacag yar.

Comments are closed