|

Hay’ad Itoobiyaan Ah Oo Sheegtay In Mudaharaadyadii Oromada Iyo Axmaarada Lagu Dilay 669 Ruux

Addis Ababa 19. April 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda xuquuqda aadanaha Itoobiya ee EHRC oo dawladda hoostagta, ayaa baarlamaanka u sheegtay in la dilay 669 ruux intii ay socdeen dibadbaxyadii dawladda lagaga soo horjeeday ee billawday bishii November, 2015-kii.

Mucaaradka iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in dadka dhintay ay aad uga badan yihiin, tiradaas waxayna ku baaqeen baadhitaan madaxbannaan la sameeyo.

Warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha oo baarlamaanka la horgeeyay ayaa sheegtay in laamaha ammaanku ay adeegsadeen “awood miisaaman” si ay wax uga qabtaan mudaaharaadyada.

Mudaaharaadyada ayaa saameeyay gobollada Oromada, Amxaarada iyo gobolka Shucuubta Koonfureed.

Dawladda Itoobiya ayaa xaalad deg-deg ah ku dhawaaqday bishii Oktoobar ee sanadkii hore si loo joojiyo mudaaharaadyada.

Comments are closed