Yokohama, 02 June 2013 – Isla maanta 02da June ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxuu kulan la qaatay Hon Noriko Shirasu oo ah xubin baarlamaanka Japan una qaabilsan xiriirka Africa. Labadan mas’uul ayaa ka wada qeybgalay xaflad oo ay la wada hadleen dadkii Japanese ka ee ka soo qeybgalay.
Madaxweynaha ayaa shacabka Japan siiyey warbixin kooban ee xaaladda Somalia, sheegeyna in maanta uu jiro rajo iyo horumar oo Somalia ay cagaheeda isu taagtay. Madaxweynaha ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay inuu yimaado Japan oo uu la kulmo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe isla markaana xiriirkii Japan iyo Somalia dib loo cusbooneysiiyey. Madaxweynahu waxuu sheegay in Somalia ay rajo weyn ka qabto in Japan ay wax kala qabato sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.
Hon Noriko Shirasu ayaa isagana uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia booqashadiisa uu ku yimid Japan, isla markaana sheegey in dowladda Japan ay sii xoojineyso xiriirka labada dal iyo sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa ballan qaad u sameeyey madaxweynaha Somalia in shaqalaha sar-sare ee Somalia ay tababar u imaan doonaan dalka Japan si loo kordhiyo xirfadahooda iyo waayo aragnimadooda iyo in Japan ay si toos ah mucaawanada u siin doonto dowladda Soomaaliya.
DHAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) –Senior Advisor & Spokesperson – Office of the President
