Uncategorized

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo Ku Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho 13.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada Addis Ababa uga qeyb-galay shiri aan caadi ahayn oo madaxda Africa ay ka yeesheen maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC).

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambalaXasan Sheekh ayaa sheegay in Addis Ababa uu kula kulmay madaxda dalalka Djibouti, Uganda iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia, isla markaana uu kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in madaxda Afrika ay go’aan mideysan ka qaateen arrinta maxkamadda caalamiga ee ICC-da, isagoo xusay in shirka uu guul ku dhammaaday.

Madaxda dalalka Afrika ayaa shalay shir ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ku sheegay in maxkamadda ICC-da ay tahay mid lagu bar-tilmaameedsado madaxda Afrikaanka ah, iyagoo ku baaqay in dib loo dhigo dacwadda madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta  oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha rabashadihii dalkiisa ka dhacay dabayaaqadii sanadkii 2007 iyo horraantii 2008.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com