|

Madaxweynaha Somaliland oo dhambaal tacsi u diray wasiirkiisa Daakhiliga

Hargeysa 30, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray wasiirkiisa Daakhiliga Mr. Maxamed Nuur Carraale oo aabihii maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa tacsida ah Illaahay uga baryay marxuum Nuur Carraale Bulaale inuu u naxariisto, wuxuuna dhambaalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timi Aabihii MARXUUM NUUR CARAALE BULAALE, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa gaar ahaan Cisbitalka Gargaar.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed