Uncategorized

Madaxweynaha Somaliland oo guddi Xukuumadiisa ku kooban u magaacaabay Wadahadal Dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya,xageey Mareen xubnihii Axsaabta iyo Golleyaasha Kale?

Hargeysa April 08,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeenimadii xalay magacaabay Guddi uu sheegay in ay ka qeybgeli doonaan Wadahadal ay yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in guddidani ay ka koobnaan doonto uun xubno ka tirsan Xuukuumada Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa u qoraa Sidan;Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya) kuwaas oo kala ah:- 1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar 2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur) 3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade 4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka,Xuseen Axmed Caydiid iyo 5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.

Shirkii dhawaanta lagu qabtay London ayaa waxa si wada jira uga qeybgalay xubno ka tirsan xukuumada,axsaabta iyo golleyaasha Sharciga ee dalka.

Iminkase waxa muuqata talo maroorsi,bacdamaa xukuumadu isku koobtay xubnaha Somaliland ku metelaya wadahadalada.

Tani waxa ay sababi kartaa kala shaki iyo mucaaradad soo wejahda qorshaha Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku wejahan wadahadal dex mara Somaliland iyo Soomaaliya.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com