|

Madaxweynaha Somaliland oo xilal kala duwan magacaabay

Hargeysa Sep 01,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Amed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta magaacaabay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka warfaafinta, Wasiir ku xigeen ay yeelan doonto wasaarada warfaafintaAfhayeenka cusub ee madaxtooyadda iyoMaareeye Madax banaan oo TV-ga qaranka loo sameeyay.

Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay oo uu ku sexeexnaa Xoghayaha Afhayeenka madaxtooyada Nasir Yusuf Dahir,waxaanu u qoraa sidan;“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaabay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka. Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilka loo magacaabay. Wuxuu go’aansaday 1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL. 2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL. 3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. 4. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M//XERM/249-1285/082012 ku magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad ee Distoorka Qaranka, Markuu Tixgeliyey; Ahmiyadda ay La Taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dhismaha Qaranka, Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan, Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, Markuu ku Qancay;In uu hanan karo xilkan loo magacaabay, Wuxuu go’aansaday In Mudane, Daa’uud Khayre Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.

Comments are closed