|

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya oo Soo Kormeeray Mashaariicda Horumarineed ee Ka Socota Magaalada Jig-jiga

Jig Jiga 31. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI ayaa booqday qaarka mid ah mashaariicaha horumarineed ee laga hirgalinayo maamulka magaalada jigjiga.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiintan wehelinaysay ayaa ugu horayntii booqday dhismaha jidka wayn ee qoraxay street ee mmj taasi oo ay dhismaheedu meel gabagaba ah marayso islamarkaana ay wadadan jidka wayn ee qoraxey street ka qayb-qaadanayso bilicda iyo adeegyada isku socodka caasimada DDSI waxaana wadadan dhismaheeda gacanta kuhaya wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee booliska.

 

 

Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu booqday xarumaha shirkadaha yar yar ee ku hawlan waxsoosaarka iyo kuliyada tababarda xirfadaha iyo farsamada DDSI oo ah goob lagu tababaro dhalinyarta deegaanka ee bilaa camalka ah iyo kuwa la rabo inay natiijo wax ku ool ah ka keenaan noocyada kaladuwan ee farsamada gacanta.

Comments are closed