|

Xukuumadda Soomaaliya oo ka Hadashay Sababo Diyaaradda Turkish Airlines 3 Cisho u Fadhiisan wayday Madaarka Muqdisho

Muqdisho 31. May 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay sababaha keenay in saddexdii Cisho ee u dambeeyey ay u soo Fadhiisan wayday Madaarka Muqdisho Diyaaradda Turkish Airlines.

Soo fadhiisi la’aanta Diyaaradda Turkish Airlines, ayaa Rakaabkii ay keeni lahayd Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Caasimadda Muqdisho la sheegay saddexdaas maalmood inay dib-u-dhac iyo rafaad badan la kulmeen. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad, ayaa sheegay in sababta diyaarada ay u degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay aheyd dabeyl badan oo jirtay, taasoo dhaaftay xadkii loogu tala galay.

 

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya oo ka hadlaya arrimahaas, waxa uu yidhi; “Diyaarada Turkish Airlines waxay u sii degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxay aheyd kaliya dabeysha oo xadkii loo ogolaa inay diyaarada ku soo degto ka badneyd, marka diyaarada dageysa dabeyl ayaa gadaal kaga soo dhacda, hadii ay dhaafto xawaaraha ama xadkii loogu tala gala, looma ogola inay degto.”

 

“Waa sharci u yaal Shirkadda Diyaaradda, mana aha mid quseysa Garoonka Muqdisho oo keliya, waxay quseysaa meel kasta oo ay tagto Turkish Airlines, waa wax maalmihii la soo dhaafay dhacayay, waa wax mar kasta dhici kara, Garoomada Caalamka ee ay ka degto Turkish Airlines ayey ka dhacdaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad.

 

Waxa kale oo uu Wasiir Salaad tilmaamay in Wasaaradda iyo Hey’adda Saadaasha Hawada ay ka shaqeeyeen sidii loo sahmin lahaa hawada, isla markaana Diyaaradaha ay si caadi ah uga soo degaan garoonka, waxaana ay xuseen in si toos ah ay ula shaqeeyaan shirkadaha diyaaradaha ee ka soo dega Madaarka Muqdisho.

 

Dadkii Rakaabkaha ahaa ee maalmahan ku rafaadsanaa soo fadhiisi la’aanta Diyaaradda Turkish Airlines, ayaa ugu dambeyn shalay ay u suuragashay inay Muqdisho ka degaan, markii dhowr cisho ay Diyaaraddu geyneysay magaalooyinka Mombasa iyo Jabuuti ka dib.

 

Waxaana dhammaan Rakaabka la seexiyay Huteello ay Shirkadda Turkish Airlines Kharashkooda ka bixisay, maaddaama oo aanay halkay u socdeen geynin, Dabaylaha Muqdisho ka dhacayey awgood.

Waxaanay Diyaaradda Turkish Airlines tahay midda keliya ee Caalami ah ee si toos ah u timaadda Muqdisho, marka laga reebo Diyaaradaha Shirkadaha Waddaniga ah ee hore u iman jiray.

Comments are closed