Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Cafis u fidiyay Burcad-badeeda Toobad keenka ah

Muqdisho March 01,2013(SDN)-Madaxweynaha Somaaliaya ayaa sheegay in uu u fidinayo Burcad badeeda Soomaalida ee dooneysa in ay joojiso Burcadnimada Cafis guud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa AFP u sheegay in uu damacsan yahay in uu u abuuro ilo kale oo dhaqaale dhalinta ka qawleysata badaha Soomaaliya.

“waxaanu gorgortan dalban kula jiray Burcad-badeeda inagoo u mareyna odey dhaqameedyada,burcad badeednimadu waa in ay joogsataa”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaase sheegay in cafisku aanu u fureyn hogaamiyeyaasha Burcad badeeda ee qaata lacagaha ugu badan ee Madaxfurashada isla markaana ay baadi goobayaan Interpol.

Baaqa cafiska ayaa ku soo beegmaya xili burcad badeednimadu ay mareyso heerkii ugu hooseeysay sanaooyinkii u danbeeyay.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com